Haweeney Somali Maraykan oo si khasab ah looga dejiyey Diyaarad isaga kala gooshaysay gudaha dalkaasi

Haweeney Somali Marykan ah oo lagu mgacaabo Xakiimo Cabdulle ayaa la sheegay in si khasab ah looga soo dejiyey Diyaarad ay ku safri lahayd, kadib, markii Kaaliyaha Duuliyaha Diyaaradda aragtay iyadoo Kursiga ka beddelanayso Rakaab kale oo dhinac fadhiyey.

Xakiima Cabdulle oo Labis Islaami wadatay ayaa ka codsatay Nin la fadhiyey Kursiga Diyaaradda inuu u beddelo, wuuna ka oggolaaday, balse, Kaaliyaha Diyaaradda ayaa degdeg ugu tegtay, kuna amartay Haweeneyda Soomaalida inay ka degto Diyaaraddaasi oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Southwest Airlines.

Kaaliyaha waxay ku dooday inaysan Rakaabka isku beddeli karin Kuraasta, balse, ma jirto qoddob ka mid ah siyaasadda Shirkadda Diyaaradda Southwest Airlines oo mamnuucayo inay Rakaabka kala bedeshaan Kuraasta.

Haweeneyda Rakaabka markii ay weydiisay sababaha ay uga degayso Diyaaradda, Kaaliyaha Duuliyaha jawaab cad ma siinin, balse waxay ka codsatay inay ka degto Diyaaradda.

Wargeyska The Independent ayaa qoray markii ay Boliska joogay Albaabka Garoonka weydiiyeen sababaha Haweeneyda Rakaabka looga soo dejiyey Diyaaradda, waxay Kaaliyihii ku jawaabtay inaysan raalli-gelinin rakaabka kale.

Xakiima Cabdulle keligeeda ayey ahayd markii ay ku safri lahayd Diyaaradda, si ay u soo booqato Qoyskeeda, waxayna mar kale iska diiwaan geliyey Diyaarad kale oo ay ku safartay.

Dhinaca kale, Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka (The Council on American Islamic Relations (CAIR) ayaa ashtako ka muujiyey Dhaqan-xumidda Shirkadda Diyaaraddaha ee Southwest Airlines, waxayna ugu baaqeen inay jawaad cad uga bixiyaan sababaha Haweeneyda Muslimadda ay si khasab ah uga dejiyeen Diyaaradda.

Zaynab Jawdari oo ka tirsan Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaa u sheegtay Telefishinka CBS inay xaqiiq ahaan arrintaasi Muslimiinta ku abuuri karto qeylo-dhaan.

Waxay ugu baaqday Shirkadda Southwest Airlines inay tababar siiyaan Shaqaalaha, si ay dabeecad wanaagsan kula dhaqmaan Rakaabka, gaar ahaan Muslimiinta, oo haatan lagula kaco gefaf aan garowshiyo lahayn.
Sidoo kale, Xaaska Haweeneyda Soomaalida ee laga dejiyey Diyaaradda ayaa sheegay in Xaaskiisa loo beegsaday sababo la xiriirta Diinteeda iyo qaabka ay u labisnayd.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Southwest Airlines waxay  ku sheegtay inay Shaqaalahooda qaadeen Nidaamka Saxda ahaa iyo inaysan Shirkaddu ahayn mid Rakaabka sabab la’aan kaga dejiya Diyaaradda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor