Haweeney Somali ah iyo wiilkeeda oo ku geeriyooday dooni waday Tahriibayaal

Warbaahinta dalka Masar iyo qaar ka mid ah Wakaalladdaha Wararka Calaamiga ayaa qoray inay Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar shalay gacanta ku dhigeen 129 Tahriibayaal la socotay dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Ciiddanka Ammaanka iyo goobaha Caafimaadka ayaa sheegay inay Ilaaladda xeebaha badda ka heleen labo mayd, oo kala ahaa Haweeney Somali ah iyo wiilkeeda oo u dhashay dalka Eritrea.

Waxay kaloo Ilaaladda Xeebaha Masar soo badbaadiyeen shan qof oo dhaawac ah oo ka mid ahaa dadkii la socday doonidaasi oo ka shiraacatay Xeebta magaalladda  Kafar Alsheekh ee Waqooyiga dalka Masar.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Masar, Xusaam C/qafaar ayaa xaqiijiyey dhacdadaasi, wuxuuna xusay inay Kooxaha Badda quusa baadi-goobayaan dadka kale oo la rumeysan yahay inay badda ku harqameen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Msaar ayaa sheegtay in Tahriibayaasha la qabtay loo kala masaafurin doono Waddamadda ay u kala dhasheen, marka ay Hay’addaha Ammaanka dhamaystiraan baaritaanadooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor