Haweeney Muslimad oo ganaax €30,000 ku muteysatay Niqaab u xirnaa

Haweeney Muslimad ah oo uu asalkeeda ka soo jeedo dalka Albania ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 30,000 oo Euro, kadib, markii ay diiday inay iska qaado Indha-shareer ama Niqaab u xirnaa, xilli ay ku sugnayd Dhismo uu ka socday Kulan.

Wargeyska Maalinlaha ee Messaggero ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa shalay qoray in Haweeneydaasi oo 40-jir ah ay ka qeyb galaysay Kulanka Barlamaanka Dhallinyarada oo lagu qabtay magaalladda San Vito al Tagliamento ee Gobalka Pordenone ee dalka Talyaaniga.

Haweeneydaasi oo dalka Talyaaniga ku noolayd muddo 16 sanno waxaa dabayaaqadda bishii hore lagu xukumay Xabsi 4 bilood iyo ganaax 600 Euro.

Maxkamadda Sare ee Talyaaniga ayaa kordhisayganaaxa, kadib, markii ay rafcaan ka qaadatay xukunkii hore, waxaana ganaaxa looga dhigay 30,000 oo Euro.

Dalka Talyaaniga ma jiro Mamnuucis Sharci ah oo lagu mamnuucay Xijaabka Haweenka Muslimka, inkastoo Sharciga Talyaaniga dadka ka codsaday inay madaxooda iy owejigooda ku dabooli Karin goobaha Buylshadda sabab la’aan.

Maxkmaadda Europe ee Caddaaladda ayaa horey u sheegtay inuu Sharci-darro yahay in Haweeney shaqada looga eryo iyadoo Xijaaban inay ku shaqeyso.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor