Haweeney lagu eedeeyey inay toban nin guursatay

Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka ayaa la soo taagay Maxkmadda Bronx court, iyadoo loo haysto inay 10 jeer guursatay rag ay khiyaantay.

Liana Barientos ayaa la sheegay inay 10 jeer guursatay muddo 11 sannadood gudaheeda.

Haweeneyda  oo 39 jir ah ayaa la sheegay in mar kale Maxkamadda la soo taagi dopono bisha soo socota ee June 8-da.

Waxay Maxkamaddu ka qaaday lacag damiin ah oo dhan 100,000 oo Dollar.

Telefishinka NBC News ayaa sheegay in Haweeneydaasi oo deggan New York  ay beenisay eedeymaha lagu soo oogay.

Xeer Ilaaliyaha Degmadda Bronx, Robert Johnson ayaa u sheegay Telefishinkja  inay Liana Barrientos  lagu soo oogay inay hal mar wada guursatay 8 nin, waxaana la rumeysan yahay inay weli qabaan afar ka mid ah raggaasi.

Warbaahinta PIX 11 ayaa shaacisay inay haweeneydaasi guursatay rag u kala dhashay Masar, Turkiga, Pakistan, Mali, Bangaladesh  iyo Georgia.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor