Haweeney ka tahriibtay magaalladda Muqdisho oo ku dul umushay Markab laga leeyahay Jarmalka.

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Raxma ayaa gabar ku umushay dooni laga leeyahay Jarmalka, oo u gurmatay Tahriibayaal ku xayirnaa dooni sabaynaysay Badda Mediterranean Sea.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Jarmalka ee Bundeswehr ayaa lagu sheegay in Raxma oo 33 jir ah loo fidiyey gargaar, markii ay foosha ku qabatay doonida dagaalka Jarmalka ee lagu magacaabo Schleswig Holstein.

Raxma oo la sheegay inay safar Tahiib ah oo aysan cid kale ku wehlinin ku jirtay muddo shan bilood ayaa umushay gabar loogu magac daray Safiya, oo uu miisaankeedu yahay  3 Kiilo, isla markaana caafimaad qabto.

Waa markii ugu horreysay oo ay Haweeney Soomaali tahriib ku jirta ku dul umusho Markab laga leeyahay dalka Jarmalka, inkastoo aan Hooyadaas iyo gabadheeda la siinin Dhalashadda Jarmalka.

Dhinaca kale, Raxma iyo gabadheeda iyo Kumanaan kale oo Tahriibayaal ah oo laga badbaadiyey Badda Mediterranean Sea toddobaadkan ayaa waxay si nabad ah ku tageen Dekedda magaalladda Taranto ee Koonfurta dalka Talyaaniga.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor