Haweeney gacmaha looga muday masaamiir

Haweeneyo u dhalatay dalka Uganda ayaa la sheegay inay ehelkeeda masaamiir kaga garaaceen gacmaha, iyagoo alwaax kula muday.

Haweenydaasi oo lagu magacaabo Yvia Nakyejwe ayaa la sheegay inay ka soo carartay reerkeeda, soona gaartay Isbitaalka Mulago Hospital oo ku yaalla Degmadda Wakiso.

Haweeneydaas oo degganayd Tuulladda Bunnamuwaya ayaa la sheegay inay falkaasi y geysteen haween kale oo ay qaraabo yihiin.

Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa ka soo saaray 10 musmaar, oo midkiiba dhererkiisu dhamaa 6 inch.

Waxay shaqaalihii u  sheegtay in dadkii falkaasi ku sameeyey ugu hanjabeen inay dili doonaan haddii ay qeyliso, inta jirkeeda masaamiirta lagu kawinayey.

Shaqaalaha Isbitaalka ayaa u gargaaray,waxayna sheegeen inaysan marnaba ooyin inta laga wada bixinayey masaamiirta jirkeeda lagu muday.

Haweeneydii markii laga  wada saaray masaamiirta, oo lagu hawlanaa daaweynteeda ayaa ka baxsatay Isbitaalkii lagu dhayey.

Saldhigga Boliska ee Nulenga ayaa la sheegay in laga diiwaan geliyey dacwadda dhibanaha.

Taliyaha Saldhigaasi, Peter Mwabu ayaa sheegay inay baxsadeen dadkii geystay dhibaatadaasi.

Waxaa Turjumay:   Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor