Haweeney Faransiis ah oo xabsi 10-sanno ku muteysatay Wiilkeeda oo ku biiray Kooxda Daacish

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Kiristina Rifiyeere oo 51 jir ah waxaa xukunka ku riday Maxkamad ku taalla magaalladda Paris.

Haweeneydaasi oo 51-jir ah laguna naanayso JIHADI GARAN ayaa la sheegay inay 3 jeer  socdaal ku tegtay dalka Syria, si ay u soo aragto Wiilkeeda oo lagu magacaabo Tayler Filuus, kaasi oo ka mid  ah Dagaalamayaasha Daacish.

Xukunkeeda ayaa yimid hal toddobaad kadib, markii Hooyo 3 carruur leh lagu helay inay Lacago u xawishay wiilkeeda oo u safray dalka Syria, kuna biiray Daacish.

Maxkamad ku taalla magaalladda Paris ayaa ku xukuntay Haweeneydaas 2 sanno oo Xabsi ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media