Haweeney ay murmeen saaxiibkeeda oo iska soo tuuri lahayd Dabaqa 8-aad

Xaalad kacsanaan ayaa waxay shalay muddo saacado ah ka jirtay magaalladda Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, kadib, markii haweeney u dhalatay dalka Brazil ku sigatay inay iska soo tuurto Dabaqa 8-aad ee Dhismo ku yaalla Dubai.

Shilkaasi ayaa waxa uu ka dhacay mid ka mid ah Dhismayaasha ugu dhaadheer ee ku yaalla qeybta Al-khail Gate Community ee Alqoos.

Haweeneyda u dhalatay Brazil oo magaceeda lagu so okoobay RA oo 26 jir ayaa ka carootay saaxiibkeeda oo u dhashay dalka Lubnaan, waxayna isku tijaabisay inay is-disho, iyadoo istaagtay dabaqa 8-aad ee Dhismaha ay degganayd.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Wargeyska Khaleej Times inay Ilaaladda dhismaha arkeen Haweeneyda iska soo tuuri lahayd, oo iyada daaqadda ka soo tuuraysay dhar, Mobayl, Kabo duug ah iyo alaabo kale.

Haweeneyda oo qeylinayso, ayaa waxay soo tuuraysay wax kasta oo qolkeeda yaallay, iyadoo wiilkii la saaxiibka ahaa uu hoos u soo degtay, isagoo ka baryey inaysan iska soo tuurin Dabaqa, kuna laabato qolka ay dhexda ka soo xiratay.

Mid ka mid ah Ilaaladda ayaa sheegay inay Haweeneyda ka codsatay inuu ugu yeero Boliska, si loo xiro saaxiibkeeda oo isagana la joogay Ilaaladda.

Kooxda Gurmadka ee Ciiddanka Dubai ayaa soo gaaray halkaasi, iyagoo ka codsaday Haweeneyda inaysan dabaqa ka soo boodin.

Dhowr gaari oo ay Boliska leeyihiin, Ambalaas iyo Ciiddanka Difaaca Madaniga ayaa loo soo daad-gureeyey Dhismaha, inta wada-xaajoodka lagula jira Haweenydaasi is-dili lahayd.

Boliska Dubai waxay sheegeen inay Koox Khaas ah ay haweeneydii la galeen Wada-xoojood dheer, waxayna  muddo dheer kadib ku guuleysteen inaysan Haweeneyda iska soo tuurin Daaqadda iyo inay Albaabka furto.

Markii haweeneydii la soo badbaadiyey  ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Sheikh Rashiid Hospital, iyadoo la siiyey wixii daaweyn lama huraan ah.

Kadibna waxay Boliska u gudbiyeen Xarunta dadka lagu xiro ee Boliska Bur Dubai.

Waxay u sheegtay Boliska inay iyada saaxiibkeeda ku murmeen arrimo khaas ah iyo xaallado dhaqaale.

Haweeneyda oo ay dhaawacyo ka muuqdeen ayaa waxay Boliska ku soo oogeen Isku-day is-dil (to commit suicide) iyo inay aad u isticmaasheen, kuna sarqaantay Alkoolo (Alcohol).

DUBAI 1 DUBAI 2 DUBAI

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor