Haween Soomaali qaxooti ku ah Malta oo sheegay inaysan nolosha waxba ahayn haddii uusan qofka helin magangeliyo

Nolosha Tahriibayaasha ku sugan Malta ee aan weli loo xaqiijinin Magangelyo waxay noloshoodu tahay mid eber ah  ‘If you don’t have asylum then your life here is zero’ sidaas waxaa yiri labo haween oo Soomaali ah oo sheegay inay Somalia kaga soo carareen dagaal iyo guur lagu khasbay.

Xafso C/raxmaan iyo Ayaan Xasan waxay cod mideysan ku sheegeen haddii aadan helin Magangelyo inay nolosha Malta tahay mid eber ah.

Labadaas gabdhood oo haatan Magangelyo-doon ahaa ugu nool Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee “The Hal Far open centre” ayaa sheegay in loo diiday codsiyadooda magangelyo-doonka, lana laabay codigooda Rafcaanka ahaa (appeal)-ka.

Cabashadda gabdhahaasi ayaa waxaa lagu soo daabacay Buug-yare (pamphlet) ay dhawaan daabacdau Hay’adda Adeegga Qaxootiga ee  “The  Jesuit Refugee Service”ee Jesiiradda Malta.

Xafso C/raxmaan iyo Ayaan Xasan oo nolosha la halgamayoayaa cabsi iyo rajo-xumo ka muujiyey natiijadda ay ka dhaxleen safarkooda dheeraa ee aan weli dhamaanin.

“Nolosha aad bay u adag tahay Kontaynarka dhexdiisa, waayo aad bay uga yar yihiin qolka, waxaana u nool nahay kooxo-koox 6 ilaa 8 haween” ayey tiri Ayaan Xasan oo intaasi ku dartay:- “Kontaynaarkaasi waa Jikadeenna, qolka aan dharka isaga beddelno iyo qolkaan seexano”.

Xafso C/raxmaan iyo Ayaan Xasan waxay cabasho ka muujiyeen inaysan awoodi karin inay Bangiga ka furtaan Xisaab-lacageed (Account) ama ay codsadaan shaqo, isla markaana marka ay meel aadan la weydiiyo Waraaqahooda Aqoonsigooda (ID Cards) iyo kuwa Deganaanshaha (A residence Permit).

Waxay kaloo sheegeen haddii aadan lahayn Waraaqaha Badbaadada in dhibaato kala kulmi karaan guurka, loona baahan yahay Waraaqaha Nikaaxa oo Asal ah oo  ay wehliso Warqad ka timid Dowladda Somalia.

Xafso C/raxmaan iyo Ayaan Xasan waxay sheegeen inay Somalia uga soo carareen dhibaatooyin badan, sida jiril, hanjabaad iyo tacadiyo kale, isla markaana aysan weli ku guuleysanin riyadooda.

Waxay ugu dambeyntii sheegeen inay sii wadi doonaan hadalkooda ku aadan inay helaan Xuquuqda Badbaadada, rajana ka qabaan inay heli doonaan magangelyo (To get asylum).

Xigasho: www.timesofmalta.com

 Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor