Haween Soomaali ah oo lagu xiray xuduudka Uganda la wadaagto Kenya

Boliska Gobalka Bukedi ee Bariga dalka Uganda, ayaa sheegay inay Boliska Degmadda Busiya gacanta ku dhigeen lix haween Somali ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah ku soo galay Uganda.

Boliska ayaa la sheegay inay ilaalo ku hayeen Haweenkaasi oo la sheegay inay si dhuumaalaysi leh mootooyin uga soo gudbeen goobaha laga soo galo Degmadda Busia oo ku dhow xuduudka Kenya.

Afhayeenka Boliska Gobalka Bukedi , Michael Odongo ayaa sheegay inaysan  Haweenkaasi  soo marin Xafiiska Waaxda Socdaalka ku leeyihiin Xuduudka Degmadda Busia.

Waxa uu intaasi ku daray inay haatan ku xiran yihiin Saldhiga Dhexe ee Degmadda Busia, lana soo taaagi doono Maxkamad si ay uga jawaabaan sharci-daarradda ay ku so ogaleen Uganda.

Afhayeenkaasi waxa uu tilmaamay inaysan ka hordhici Karin ujeeda Haweenkaasi u yimaadeen Uganda, inkastoo uu xusay inay Uganda kaa cabsi qabto weeraro kaaga yimaada Xarakadda Alshabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor