Haween Soomaali ah oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay dalka Zambia

Afhayeenka Boliska dalka Zambia, Chartity  Munganga Chanda ayaa sheegay inay afar qof oo shisheeye ah ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay  Deegaanka Kapiri Mposhi.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inuu gaari xamuul oo ay leeyihiin Milliteriga dalka Zambia uu dul maray gaari yar oo ay ku safrayeen dadka Ajaaniibta oo marayey Jidka loo yaqaano The Great North Road.

Wargeyska Zambia Daily Mail oo aan ka soo xiganay Faahfaahinta Shilkaasi ayaa qoray inay labo haween oo Somali ah, nin u dhashay dalka Kongo iyo nin aan weli haybtiisa la aqoonsanin.

Marxuumiinta Soomaalida ee ku geeriyootay shilkaasi ka dhacay dalka Zambia ayaa waxaa la kala oran jirey Raaxo Osman  iyo Mahado Ali Yusuf.

Marxuumintaasi ayaa la sheegay inay deganaan jireen Degmooyinka Nadola iyo Kalenda Mukulimpa ee dalka Zambia.

Xigasho:- daily-mail.co.zm

© Warqabadka Dalsan Radio