Haween Somali oo xukun ku muteysan kara hadal ay ka hor sheegeen Madaxweynaha Malta

Labo Haween Somali oo ka mid ah Qaxootiga ku nool Jesiiradda Malta ayaa laga cabsi qabaa in lagu soo oogo dacwad, kadib, markii ay sheegeen in Qaxootiga lagu hayo Shabaqyadda loogu talagalay Xyawaanaadka.

Haweenkaasi oo ka mid ahaa Qaxooti isbuucii hore la kulmay Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Malta, Marie-Louise Coleiro Preca ayaa barbar dhigay Xeradda Qaxootiga lagu hayo sidii Shabaqyadda la geliyo Xayawaanaadka.

Shabakadda Wararka ee timesofmalta.com  ayaa qortay inay haweenkaasi muteysan doonaan in Sharciga lala tiigsado, iyadoo dacwadooda lagu hawlan yahay sidii loo soo dhamaystiri lahaa.

 Xigasho:- timesofmalta.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor