Haween lala xiriirinayo Alshabaab oo la diiday in damiin lacageed lagu sii daayo

Maxkamadda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa ka biyo diiday in Afar Haween oo lagu eedeynayo inay ku biiri lahaayeen Xarakadda Alshabaab lagu sii daayo Damiin Lacageed.

Garooraha Maxkamadda ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii maxkamadda la hor keenay haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Ummulkheyr  Sadri Abdalla,  Khadija Abubakar Abdulkadir, Maryam Saciid Cabuud iyo Halima Adan Ali.

Garsooraha waxa uu  amray in Xabsiga lagu sii hayo  ilaa bisha soo socota ee June 12-da oo dib loo dhegeysanayo dacwadooda.

Afarta Haween ee lala xiriirinayo Alshabaab ayaa la sheegay in bishii Maarso 27-dii laga soo qabtay  Degaanka Ceel-waaq, iyagoo doonayey inay ka tallaabaan xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Haweenkaasi waxay horey u beeniyeen Eedeymaha laga soo oogay, inkastoo ay Dacwad-oogayaasha sheegeen inay haweenkaasi doonayeen inay ku biiraan Alshabaab.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor