Haween lagu eedeeyey inay ku biiri lahaayeen Alshabaab oo beeniyey eedaasi

Magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay afar gabdhood oo la soo qabtay iyagoo qorsheynayey inay u soo safraan Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay inay gabdhahaasi ku guda-jireen waxa uu ugu yeeray Fal-dembiyeed, kuna biiri lahaayeen Alshabaab.

Haweenka la soo taagay Maxkamadda oo lagu kala magacaabaa Ummulkheir Sadri Abdalla, Khadija Abubakar Abdulkadir, Maryam Said Aboud iyo Halima Adan Ali waxay si wadajir ah u beeniyeen Dembigii lagu soo oogay.

Dacwad-oogaha waxa uu codsaday inaan la sii daaynin haweenkaasi oo uu xusay inay baxsan karaan.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey inay xiriir la lahaayeen Maleeshiyo ku sudan dalalka Syria iyo Sudan, si ay deganaansho la’aan uga abuuraan Kenya.

Dhinaca kale, Garyaqaanadda Eedeysanayaashaasi oo lagu kala magacaabo Xamisi Mawadzogo iyo Jaja Mawita ayaa ka codsaday Dacwad-oogaha inuu keeno caddaymo iyo Muuqaalo muujinaya eedaha loo haysto gabdhahaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor