Haween ka tirsan Soomaalida Kenya oo ku baaqay in loo soo daayo raggooda oo ku xiran Somalia

Haweenkaasi oo ay tiradoodu dhan tahay shan qof ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay gacan ka geystaan sidii raggooda dib loogu soo celin lahaa Kenya.

Iyagoo la hadlayey Wargeyska The Nairobian  waxay sheegeen in raggooda laga qafaashay Kaymaha Boni Forest bishii October 11-dii ee sannadkii hore, xilli ay ku sii jeedeen Deegaanka Kiynga si ay Qaad uga qaadaan.

Waxay sheegeen in raggooda loo kaxeystay gudaha Somalia, ka hor intaysan kooxihii afduubtay sii daynin labo toddobaad kadib.

Haweenkasi waxay sheegeen in maqnaanshaha raggooda ku khasbatay inay u noolaadaan sidii Carmalad oo kale.

Waxay ku baaqeen in raggooda loo soo daayo iyadoo la eegayo danta carruurtooda.

Hooyo lagu magacaabo Faadumo Cabdi ayaa sheegtay inaysan wiilkeeda oo ka mid ah ragga la la’ yahay aysan dib u arkin tan iyo markii la qafaashay.

Shanta nin oo ay Haweenkooda iyo Ehelladooda ku baaqayaan in la sii daayo ayaa lagu kala magacaabaa Anwar Cabdi, Cali Cumar, C/raxmaan Maxamed, Deeq Maxamed iyo Shukri Nuur, kuwaasi oo la sheegay inay haatan ku xiran yihiin Xabsi ku yaalla magaalladda Kismaayo oo ay maamulaan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Raggaasi oo mar sii horreysay la hadlay Wargeyska The Standard waxay ka cawdeen inay dhibaatooyin nololeed ku haysato Xabsiga, isla markaana ay si xaq-darro ah ku xiran yihiin.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inuusan la soconin rag Kenyaan ah oo ku xiran gudaha Somalia, wuxuuse sheegay inuu dabageli doono arrinkaasi oo uu haatan maqlay.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor