Haween isku qoys ah oo lagu dilay Magalada Gaalkacyo

Wararka Radio Dalsan uu ka helayo  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay laba ruux oo hal qoys ka wada dhashay.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha suuqa Magalada Gaalkacyo,waxana la sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureyn laba haween ah uu halkaasi marayay,isla markaana isla goobtii ay ku geeriyoodeen sida uu sheegay mid ka mid ah haweenkaas.

“Rasaas ayaa lagu furay iyaga oo maraya suuqa bartamahiisa meel u dhow halka loo yaqaano suuqa Cusbada,waxaa la kala dhahaa gabdhaha walaalow Safiyo Abdi feera kaga jire iyo Nadiifo Tumey,haa labaduba waa isku-qoys ayuu yiri mid ka mid ah ehelada Haweenkaas.

Masuuliyiinta maamulka Magalada gaalkacyo iyo saraakiisha Ciidamada isku-dhafka weli kama hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli bilihii u dambeeyey xaalada amni ee gaalkacyo ay ahyed mid wanaagsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor