Haween Caan ah oo xaflad hambalyo ah ugu sameeyay Muqdisho Drs Dahabo Cuud (Sawirro)

munaasibad ay soo agaasimeen haweenka magacaleh ee magaalada muqdishisho ayna ugu hambalyeynayeen Drs dahabo cabdi maxamad (dahabo cuud) oo dhowaan shaacisay inay tahay murashax utaagan madaxtinimada gobolada dhexe ee soomaaliya ayaa lagu qabtay degmada cabdul casiis ee magaalada muqdisho.

munaasibada ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday hoyga marwo sahra sheekh xuseen oo kumagac dheer maamo soomaaliya oo iyadu ahayd qofkii dhigay munaasibaddaasi oo qado sharaf ahayd waxayna mar ay goobta ka hadashay sheegtay in Drs dahabo cuud tahay gabar kadhalatay haweenka soomaaliyeed oo iyagu kaligood ah beesha ubu balaaran beelaha soomaalida waxaana kasoo qeybgalay xafladaas madaxda ururada haweenka ee heer qan iyo heergobol iyo martisharaf kale oo lagu casuumay.

waxaa xubnihii ka hadlay kamid ahaa gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed marwo batuulo sheekh axmed gabale,gudoomiye kuxigeenka ururka haweenka qaranka soomaaliyeed marwo canab xasan cilmi,gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir marwo jawaahir xaajimaxamuud baarqab,marwo qadiija cosoble cali,marwo bakistaan maxamad cali,marwo shariifa cadow iyo xubno kale.

munaasibadaas ayaa dhamaan haweenkii kahadlay waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin gabar soomaaliyeed inay iskusoo taagto xilka madaxtinimada gobolada dhexe taasoo ay aaminsan yihiin Drs dahabo cuud inay tahay qof mudan kartina uleh inay hogaanka uqabato maamulkaasi.

Drs Dahabo cuud oo Gabagabadii Munaasabadaasi ka hadashay ayaa uga mahadcelisay Dhamaan haweenka soomaaliyeed Soomaaliyeed sida ay taageerada ugu muujiyeen Waxaana ay balan qaaday Hadii xilkaasi Ay ku guuleysato insha allah in ay dadka deegaanadaasi ay u horseedi doonto dib u heshiisiin caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah dhismaha Wadooyinka  kaabayaasha ilaha dhaqaalaha iyo horumarinta waxyaabaha dabiicigaa.

DSC00067 DSC00069 DSC00072 DSC00073 DSC00074 DSC00080 DSC00081 DSC00082 DSC00088 DSC00092 DSC00095 DSC00105 DSC00109 DSC00111 DSC00117

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor