Haweeeneydii Soomaalida ee laga soo masaafuriyey Australia oo mar kale lagu celinayo dalkaasi

Cadaadis badan oo QM iyo Hay’addaha Calaamiga ee Xuquuqda Aadanaha  saareen Dowladda Australia, ayaa waxay Madaxda dalkaasi oggolaadeen inay Haweeneydaasi ku soo celiyaan Australia, si looga soo xaaqo uurka.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan ayaa waxay leedahay uur 15 isbuuc ah, oo ay sheegtay inay qaaday, kadib, markii ay rag Qaxooti ah ay  bartamihii bishii July ee la soo dhaafay, ku kufsadeen  Xeradda lagu hayo Qaxootiga ee ku taalla Jesiiradda Nauru ee duleedka Australia.

Bishan October 11-dii, Dowladda Australia waxay Abyan u duulisay magaalladda Sydney si looga soo xaaqo uurka, laakiin shan maalmood kadib, ayaa lagu celiyey Jesiiraddii horey loogu kufsaday ee Nauru oo 4.000 KM u jirta Australia.

Qoraal ay soo saartay Abyan, waxay  ku sheegtay in si qarsoodi ah looga soo duuliyey magaalladda Sydney, iyadoo aan arkin Dhakhaatiirta ka soo xaaqi lahaa uurkeeda.

Dowladda Australia waxay ku dooday inay gabadha ka laabatay go’aankeedii hore, laguna celiyey Jesiiradda Nauru oo ay ku nool yihiin 10,000 oo Qaxooti Shisheeye ah.

Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton  ayaa maanta shaaciyey inay Abyan ku soo laaban karto Australai, si ay Dhakhaatiirta ula kulanto, loona siiyo Taageero dhinaca caafimaadka Dhimirka.

Wasiirka ma sheegin xilliga ay haweeneydaasi mar kale dib ugu laaban doonto Australia.

Dhinaca kale, Peter Dutton waxa uu  walaac ka muujiyey  ilaa 240 Magagalyo-doon oo  sababo caafimaad loogu soo duuliyey Austalia, balse, markii dambe ay Maxkamaduhu amreen inaan lagu celin Karin Jesiiradda Nauru.

Waddanka Australia waxaa sharci KA ah in Haweenka leh uurka 20-ka isbuuc ee ugu horreeya laga soo xaaqi karo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor