Hargeysa : Nin Xarig ku Muteystay In Ay isku magac yihiin Madaxweyne Siilaanyo

 Booliiska Soomaaliland ayaa xabsiga u taxaabay Nin ay isku magac noqdeen madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo isna magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Ninkan xariga ku muteystay in ay isku magac yihiin madaxweynaha ayaa muddo laba cisho u xirnaa ciidamada nabad-galyadda wadooyinka, waxana lagu haystaa in ay isku magac yihiin madaxweynaha Soomaaliland.

Nankan ayaa la sheegay inuu yahay macalin ka tirsan iskuul gaar loo leeyahay oo Hargeisa ku yaala , Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin oo uu macalin iyo maamule ku xigeen ka ahaa ayaa ka hadlay xadhiga loo gaystay macalinkaasi oo ciidanka Nabadgalyadda wadooyinku shalay xabsiga u taxaabeen.

Ninkan aya la sheegay inu magacaan isticmaalayey mudo balse uusan aheyn kiisa saxda ah

“Macalin kaliya muu ahayn ee maamule ku xigeenka dugsiyadda sare ee wiilasha ee dugsiga Nuuradiin ayuu ahaa waxaa magaciisa la yidhaahda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana magaca Siilaanyo loo bixiyeey muddo dheer ka hor wakhtigii uu madaxweyne Siilaanyo uu ahaa gudoomiyihii jabhaddii SNM ta, jacayl la jecel yahay Siilaanyo ayaa loogu bixiyey markii saddexda magac ee hore isku eekaadeen ayaa naanaystan loo bixiyey”ayuu yiri Mahdi Ibraahim oo ah maamulaha guud ee dugsiga NUURADIIN.

Taliyaha booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo isna dhankiisa laga waydiiyey xariga macalinka ayaa sheegay in markii la xiray macalinkan uu markiiba bedelay naanaystii uu ula baxay Siilaanyo oo uu u bedelay naanays kale oo ah Xaddi taasina ay keentay sababta loo xiray.

Dhacdada ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada tan iyo shalay .

Jamal Ibrahim

Hargeisa -Somaliland

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor