Haraagga Maydadkii Askarta Maraykanka ee lagu dilay Waqooyiga Kuurya oo laa soo dhiibi doono.

Dowladda Waqooyiga Kuurya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalka ay ku soo dhiibayaan maydadka Askarta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwii lagu waayey dagaalkii  ka dhacay Waqooyiga Kuurya.

2 Sarkaal oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in maalmaha soo socda loo soo gacan gelin doono Maydadkaasi.

Waxay  kaloo sheegeen in maydadka lagu wareejin doono Taliska Ciiddanka QM ee ku sugan dalka Koonfurta Kuurya, waxaana maydadkaasi loo duulin lahaa Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Maraykanak ku leeyihiin Jesiiradda Haawaay.

Wareejinta haraagga Maydadka Askarta Maraykanka waxa uu qeyb ka AHAA Heshiiskii Taarikhiga ee ay Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya isbuucii hore ku wada gaareen dalka Singapore.

Warar ayaa sheegaya inay bilo ama sannado qaadan doonto si loo aqoonsado inay maydadkaasi yihiin Askartii Mraaykanak ee lagu dilay dagaalkii Kuuruya ee dhacay sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii.

Ku-dhawaad 7.700 oo Askar Maraykan ah ayaa lagu waayey , iyadoo ay in ka badan 36,500 Askar Maraykan lagu dilay Dagaalkaasi.

Dowladad Waqooyiga Kuurya waxay horey u sheegeen inay hayaan haraagga maydadkii Askar Maraykan oo dhan 200 Askari, iyadoo qaar ka mid ah haraagga maydadkaasi lagu celiyey Mraaykanka sannadkii 2007-dii, kadib, markii uu Guddoomiyaha cusub ee Gobalka New Mexico ee dalka Mraaykanka, Bill Richardson booqasho ku tegay caasimadda dalka Waqooyiga Kuurya ee Pyongyang.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media