(Wareegto Culus): Hanti-dhowrka Qaranka oo amray in la bixiyo mushaaraadka ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda

Waa hubaal inay Dowladda Federalka haysanin ilo dhaqaale oo ay si joogto ah ugu bixin karaan mushaaraadka Ciiddamadda iyo Shaqaalaah Dowladda, oo iyagu si dhabar-adeeg ah ku shaqeeya.

Beesha Caalamka waxay rumeysan yihiin in Kaalmooyinka Lacageed ee ay u fidiyaan Dowladda Somalia ku dhacaan gacmo aan wax badan bekhaamin karin, wuxuuna Waddanka Somalia figta sare kaga jiraa  dalalka ugu musuqa badan Caalamka.

Waxaa la sheegaa inay Dowladda Federalka weli ka dhex jirto Maamul-xumo iyo inaan xil badan la iska saarin beekhaaminta kharajyadda Hay’addaha Dowladda iyo xitaa faya-qabka ama dhowrista Qasnadda Dowladda.

Dowladda Federalka weli ma dejinin Sharci lagula dagaalamayo Musuqa iyo Ku-takri-falka Awoodda iyo Hantida Qaranka, waxaana arrimahaasi caddayn u ah sida uu Mas’uul kasta uu xilkiisa ugu takri-falayo sidii hanta uu leeyahay oo kale.

Qeybaha Ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda iyo qoysaskooda ayey tumaatida ugu xanuunka badan ee mushaar la’aanta saamaysaa, mana jiraan Miisaaniyad-bileed si joogto ah loogu talaagalay in laga bixiyo mushaaraadkooda.

Dabeecad joogto ah ayaana laga dhigtay in mushaaraadka Ciiddamadda iyo shaqaalaha kale ee Dowladda la bixiyo saddexdii biloodba mar, waxaana la arkaa iyadoo ay qaar ka mid ah  Ciiddamadda ka qaata Dareewalladda lacago aan canshuur ahayn, si ay uga dhigtaan kharaj-maalmeedka ay u baahan yihiin.

Xeeldheerayaasha kuwa Maamulka iyo Maareynta ayaa rumeysan inaysan jirin duruufo joogto ah oo aan lagu heli karin mushaaraadka Ciiddamadda iyo shaqaalaha kale ee Dowladda.

Laakiinse, inay  xaajaddu tahay iyadoo aan la isla xisaabtamin, Mas’uul kastana aan lagu kormeerin Kharajka loogu talagalay Hay’adda uu madaxda ka yahay.

Dhaqaale-yahannadda ayaa rumeysan in Kharajyadda sida joogtadda uga  soo xerooda Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha laga dhigi karo Isha laga bixin karo 80%  mushaaraadka Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda.

Ilaa iyo haatan, waxay shaqaalaha iyo ciiddamadda Dowladda u abaal-sheegtaan Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa Ra’isul-wasaarihii dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo isagu sumcad ku kasbaaday inay shaqaalaha iyo ciiddamadda si joogto ah bil kasta u qaataan mushaarkooda.

Kharajka ay Xukuumaddii Farmaajo bixin jirtey ma ahayn kuwo ay Wasiiradda ugu deeqi jireen Ciiddamadda iyo shaqaalaha, balse waxaa juhdi geliyeen sidii Kharashaadka ka soo xerooda Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha looga bixin lahaa mushaaraadka ciiddamadda iyo shaqaalaha kale ee Dowladda.

Marka xilligaasi la qiimeeyo, waa hubaal inay Madaxda Dowladda, gaar ahaan Golaha Wasiiradda  weji-gabax ku tahay haddii aysan tahli karin inay si joogto ah u bixiyaan mushaaraadka  ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka oo si khibrad leh u dabagalay Kharajyadda u soo xerooda Dowladda ayaa waxay dhawaan soo saareen Wareegto lagu muujiyey lacagaha soo xerooday, qaababka ay u baxeen, haraagga yaalla.

Ku-xigenkeenka Hanti-dhowraha Qaranka, Cali Abuukar Axmed  ayaa soo saaray Wareegto lagu joojinayo Kharajyadda ay isticmaalaan Hay’addaha Dowladda, marka laga reebo Mushaaraadka Ciiddamadda iyo shaqaalaha Dowladda.

Nuqul ka mid ah Wareegtadaasi oo la soo gaarsiiyey Dalsan Radio ayaa lagu sheegay kadib, markii Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka uu arkay qaabka uu u socdo Kharajka Dowladda, isla markaana aan la tixgelinin Baahidda Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda ayaa waxa uu Xafiiska Hanti-dhowraha go’aamiyey in laga bilaabo bishan 10-dii in la joojiyey in la diiwaan-geliyo codsiyadda aan ka ahayn Qaan-sheegadka Ciiddamadda iyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Wareegtadda waxaa kaloo lagu xusay, kadib, markii uu Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ogaaday in mushaaraadkaasi laga bixin karo Kharajyadda Dowladda, maadaama bilihii Maarso ilaa May ee sannadkan soo galay dakhli dhan 31,473,638,85 Dollar.

Wareegtadda Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka waxa uu soo bandhigay qaabka ay u kala baxeen Dakhliga u soo xerooday Dowladda, oo kala ah:-

Bishii March  waxaa la bixiyey lacag dhan       US$12,068,890,97

Bishii April    waxaa la bixiyey  lacag dhan       US $9, 569,122,98

Bishii May     waxaa la bixiyey lacag dhan          US$9,835,624,90

Isu-geynta Kharajyadda bilaha March ilaa May waxay noqotay lacag dhan US$31,473,638,85 Dollar.

Wareegtadda oo si toos iyo ogeysiin ahaan ugu socotay Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federalka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Ra’isul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa waxa uu Ku-xigeenka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ka codsaday inay tixgeliyaan Kala-horreynta Miisaaniyadda sannadka 2015-ka.

Hadadaba isku-daygan uu Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ku joojiyeen in la bixiyo Qaansheegtooyinka, isla markaana la amray in la bixiyo mushaaraadka Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda ayaa waxay tahay tallaabo wanaagsan.

Lacag-biixnta la amray ayaana ku soo beegantay iyadoo ay ciiddamadda iyo shaqaalaha dhaban-hays ka qadeen halka ay ka heli lahaayeen Kharaashaadka bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay maalmaha kooban naga xigto.

Hadaba Hoos Ka Aqriso Wareegtada

wasaarad0001

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor