Hanti dhowraha guud “musuq maasuq ayaa ka jira wasaaradaha Soomaaliya”

Hanti dhowraha guud ee dowladda soomaaliya Nuur Jimcaale Faarah, oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee Reuters, ayaa sheegay in baaritaano ay ku sameyeen 25 wasaaradood ee xukuumada federalka ee soomaaliya, ay ku ogaadeen in musuq maasuq uu ka dhex jiro Wasaaradaha.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in warbixintooda ay daabici doonaan, bisha soo socota marka ay dib isugu soo laabtaan xubnaha Baarlamaanka dolwadda soomaaliya.

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa in wadamada reer-galbeedka iyo deeqbixiyaasha ay soomaaliya ku deeqeen lacago malaayiin ah oo dib loogu dhisaayo ciidamada dowladda iyo dhismaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor