Hambalyo…Munaasabadda 4-guuradda Radio Dalsan iyo Ambaqaadka Waxqabadka ee Mustaqbalka.

Maanta oo ay bisha April ku beegan tahay 2-da waxaa loo dabaal-degayaa 4-guuraddii ka soo wareegtay markii dhidibada loo qotomiyey Idaacadda Dalsan.

Mas’uuliyiinta Sare ee Shabakadda Warbaahinta Dalsan Mewdia network ayaa dadaal xooggan u galay sidii ay u asaasi lahaayeen Maxado Idaacad Madax-bannaan oo Isbedel cusub ku abuurta Hannaanka Warbaahinta ee Somalia.

Maraaxiil adag ayey Madaxda Dalsan ka soo mareen Asaasida iyo Taabagelinta Idaacadda, oo haatan lagu caano-maalayo Horumarka ay ku tallaabsatay.

Hadafka ugu weyn ee Radio Dalsan loo qotomiyey ayaa ah  in la helo Warbaahin Madax-bannaan oo baahisa Warar Xaqiiqo leh  iyo Barnaamijyo sugan oo la ambaqaadayo Nidaamka Warbaahinta Dhexdhexaadka.

Waa hubaal inay Dhegeystayaasha danaynayaan Warar xigasho sugan leh, Madadaalo iyo Barnaamijyo dhaxal-gal ah, waana Hiigsiga Radio Dalsan inay baahiyaan Warar, Wareysiyo iyo Barnaamijyo Bulshadda dan u ah, laguna xoojinayo Wacyi-gelinta Ummaadda, Nabadaynta, Dib-u-heshiisiinta, Waddaniyadda iyo Horumarka.

Macaamiisha Radio Dalsan oo isugu jira Dal-joog iyo Qurbo-joog ayaa waxay si joogto ah ula socdaan Radio Dalsan oo 18-saacadood hawada ku jira habeen iyo maalin.

Idaacadda waxay Xarumo Warbaahineed ku leedahay magaallooyinka Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado, iyadoo sidoo kalena laga dhegeysan karo Aalladda Satelitte-ka.

Waxay kaloo Macaamiisha ku taxan yihiin Shabakadda Wararka ee radiodalsan.com iyo  Baraha kale ee Bulshadda oo ay ka daallacdaan Twitterka iyo Facebook-ga Radio Dalsan.

Dadka ku nool gudaha Somalia iyo dalalka Maraykanka iyo Britain waxay had iyo jeer Radio Dalsan ka dhegeystaan Telefoonadda gacanta.

Waxaa kaloo la qorsheynayaa inay Idaacadda yeelato Telefisin Casri ka hor inta aan la gaarin Sannad-guuradda 5-aad ee soo socota Insha Allaahu.

Waxa kaloo lagu hawlan yahay in Idaacadda si toos ah looga dhegeysto Telefoonadda leh Barnaamijka Apple Store.

Haddaba, markaynu milicsano, Baaritaankii ugu dambeeyey ee lagu qiimeeyey Macaamiisha Guud ee Radio Dalsan waxay muujinaysaa inay  3 ilaa 4 million oo qof ku xiran yihiin Radio Dalsan, kuwaasi oo ku baahsna dalka gudihiisa iyo dalalka Caalamka.

Markaynu eegno Siyaasadda Radio Dalsan waa Idaacad Madax-bannaan oo Dhexdhexaad, isla markaana aan dhinaca raacsanayn.

Idaacadda waxay kaloo diiradda saartaa inay Fursad helaan Dadka aan Codka Lahayn iyo Dhibanayaasha kale, si ay Radio Dalsan ula wadaagaan Axwaashooda iyo inay Caalamka gaarsiiyaan Baahidooda iyo Himiladooda.

Qorshaha Idaacadda ee Xilliga dhow waxaa ugu muhiimsan in muhiimad gaar ah la siiyo Doorashooyinka dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonta dalka, iyadoo ay Musharixiinta la wadaagi doonaan Radio Dalsan Wareysiyadda iyo Hankooda Madaxtinimo iyo Ballanqaadkooda Qaranka marka la doorto.

Musharixiinta waxaynu siinaynaa muhiimad, iyadoo Musharax kasta laga rajeynayo inuu dhowro Mabaadiida Idaacadda iyo inuusan Wareysiyadiisa ku salaynin cadiifadda shaqsiyadeed, kooxeed, beeleed ama Deegaameed.

Markaynu isku soo duubno, Radio Dalsan waxaa ka hawlgala Shaqaale Xirfadley ah oo wax badan ku soo kordhiyey Tayadda Idaacadda iyo qancinta Macaamiisha la saan-qaada Radio Dalsan.

Waxaana wax lagu farxo in Wararka iyo Wareysiyadda ka baxa Idaacadda Dalsan inay sii xigtaan Warbaahino Maxali iyo kuwo Caalami ah, inkastoo ay jiraan Warbaahino si joogto ah u bililqeysta Wararka Idaacadda baahisa iyo kuwa lagu soo daabaco Websaytka Radio Dalsan ee www.radiodalsan.com

Waxaa habboon haddii Warar laga soo daalacdo Warbaahin kale in la siiyo Xuquuqda Isha Warka laga soo xigtay (Source), waxaana ayaan-darro ah in dhaqan laga dhigto Dhaca Wararka ee inta Copy la yiraahdo lagu minguuriyo Warbaahin kale oo aan maskax, waqti iyo juhdi ku bixinin Raadinta Xogaha Wararka Taagan ee Muhiimka u ah in loo soo gudbiyo Mujtamaca Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dhegeystayaasha Sharafta leh waad ku mahadsan tahay sida aad noola wadaagaysaan Farxadda Sannad-guuraddii 4-aad ee Radio Dalsan.

WQ. Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor