Hambalyo Hambalyo Sanadguuro Wanaagsan

Maanta oo kale Sanadkii 2012 ayay Hawada soo gashay Radio Dalsan oo Xarunteedu ay tahay Magaalada Muqdisho,iyada oo ku baahday Magaalooyinka intiisa kale.

Idaacadda Dalsan oo soo martay marxalado kala duwan ayaa waxaa ka baxa Barnaamijyo kala duwan oo isugu jira kuwo looga hadlo arrimaha Siyaasada,dhacdooyinka taagan,Barnaamijyo Arrimaha Bulshada looga hadlayo iyo kuwo kale.

Mudada ay jirtay Dalsan ayaa ku guuleysatay waxyaabo badan oo Bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu amaaneyn.

Sidoo kale Radio Dalsan ayaa dadka ku nool Caalamka daafihiisa waxa ay kala socdaan Aaladaha Satalite-ka iyo Live Streemka,iyaga oo sidoo kale hirgelisay Wabsite-ka Radiodalsan.com oo lagu daabaco Wararkii ugu dambeeyey ee Caalamka iyo Barnaamijyada qaar ee ka baxa Radio Dalsan.

Hadaba Maamulka iyo howlwadeena Radio Dalsan waxa uu leeyahay dhageystayaasha iyo Akhristayaasha Radiodalsan.com Hambalyo Hambalyo Hambalyo.