Qof rayid oo lagu dilay Aleppo iyo Daad-gureynta dadka rayidka oo bilaabantay

Maleeshiyooyinka Hubeysan ayaa sheegay in la gaaray Xabbad-joojin, waxayna Warbaahinta Xisbullaahi Lubnaan sheegtay in la gaaray Xabbad-joojin, loona oggolaan doono Maleeshiyadda inay ka baxaan Bariga magaalladaasi.

Rayidka dhaawaca ayaana ka mid ah kuwa ugu horreeya ee laga daad-gureeyey Aleppo.

Hawsha Daad-gureynta ayaa la sheegay inay qaadan doonto ugu yaraan 3 maalmood.

Dhinaca kale, Maleeshiyo u daacad ah Dowladda Syria ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Gawaari waday dad dhaawac ahaa.

Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday, iyadoo dhawr kale oo uu ku jiray Shaqaale Caafimaad ku dhaawacmeen  Weerarkaasi oo ka dhacay Bariga Aleppo.

War haatan so odhacay ayaa sheegayo inay Milliteriga Raashiya u adeegsan doonaan Diyaaradaha Droneska si ay ula socdaan Tirada Dagaalamayaasha iyo Qoysaskooda ee laga daad-gureynayo Aleppo.

i

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor