Hadal-haynta Cadaado & Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi

Magaalladda Cadaado ee caasimadda u ah Maamulka Xibin iyo Xeeb ayaa maalmahan u muuqata mid aad u mashquul badan, isla markaana ay ka socdaan Ololaha Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynenimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Madal kasta waxaa aad looga hadal hayaa Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, waxayna Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta iyo Hal-doorka aad u hadal hayaan Musharaxa u qalma Xilkaasi.

Asad Diirshe oo ka mid ah dadka u dhuun duleela Ololaha Doorashadda ayaa u sheegay Radio Dalsan inay si dardar leh ku socdaan Ololaha Doorashadda iyo Abaabulka uu Musharax kasta ugu jiro si uu libin uga helo Loolanka Madaxtinimadda oo la shaaciyey inay dhici doonto maalinta Sabtida ee soo socota oo ku beegan bishan Luulyo 4-da.

Mar wax laga weydiiyey Afkaarta dadweynuhu ka bixinayaan Musharaxiinta waxa uu tilmaamay inuu soo maray dhamaan Majlisyadda lagu gorfeeyo Siyaasadda ee magaalladda Cadaado, isla markaana uu dhegta u raariciyey maxsuulka Doodaha iyo Falaanqeynta Musharaxa noqonayo Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Guuxa Majlisyadda iyo Fadhi-ku-diriradda goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaana waxaa uu qof kasta ku soo bandhigaa Bareerahiisa ku aadan Doorashadaasi iyo Musharaxa uu u arko inuu ku guuleysan doono Madaxtinimadda Galmudug.

Sahanka ugu dambeeyey ee lagu soo ururiyey qeybaha bulshadda ku sugan Cadaado, ayaa waxay 100% isku raacsan yihiin inay Doorashaddu dhici doonto xilligii loogu talagalay, balse waxaa lagu kala duwan yahay Musharixiinta ugu cadcad Loolankaasi.

Aqlabiyadda ugu badan ee Reer Cadaado ayaa rumeysan in Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi yahay Musharaxa ku guuleysan doono Xilka Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, waxayna ku sababeeyeen Taariikhda Waxqabadkiisa iyo Sumcadda uu ku dhex leeyahay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshadda ku wada nool Goballadda Dhexe.

Marka la qiimeeyo Musharixiinta isku garbinayo Masraxa Doorashadda ee Cadaado, waxaa hubaal ah inay ka muuqdaan Musharixiin caan ah, kuwo aan heer Qaran gaarin iyo kuwo ku soo fashilmay xilalkii horey loogu aaminay, kuna saaqiday Xil-gudashaddii laga filayey.

Marka docda kasta laga qiimeeyo Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda Galmudug, waxaa hubaal ah inuu figta sare kaga jiro Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo isagu ah Khabiir Siyaasadeed iyo mid Amni, maadaama lagu xusuusan karo, lana qiri karo Waxqabadkiisa Heerka Qaran.

Musharaxa Fiqi ayaa lagu xusuustaa Isbedelkii iyo Dib-u-habeyntii uu ku sameeyey Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed iyo kaalintii uu ka qaatay soo-celinta Ammaanka iyo Hawlgalladdii Dagaaalamayaasha Alshabaab looga saaray inta badan Goballadda Banaadir, Labada Shabelle, Bay iyo Bakool.

Musharax Fiqi waxa kaloo uu ka muuqday Fagaarayaasha Diplomaasiyadda, wuxuuna ahaa Danjirihii Somalia u joogay dalka Sudan, wuxuuna sare u qaaday Xiriirka labada dal iyo sidii loo mideyn lahaa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata Jaamacadaha Sudan, kuwaasi oo ay qaarkood haatan Guddoomiyayaal ka yihiin Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Taageerayaasha  Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi waxay ku rajo weyn yihiin100%  inuu ku guuleysan doono Loolanka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, maadaama uu yahay Siyaasi khibrad u leh Hoggaaminta Wanaagsan ee udub dhexaadka u ah U Adeegidda Ummadda. Iyo Waxqabadka ku dhisan Tashaawarka lagu horumarinayo danaha bulshadda.

Markaynu isku soo xoorino, Hadal-haynta Cadaado waxaa laga dheehan karaa in Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi yahay Hoggaamiye loo han weyn yahay inuu wax ka beddeli karo Nolosha, Dhaqan-dhaqaale ee dadka ku nool Goballadda Dhexe

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor