G/Xigeenka Gobalka Gedo oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Baardheere.

Warar Xogogaal ah oo naga soo gaaray magaalladda Baardheere, waxay inoo xaqiijiyeen in G/Xigeenka Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland, Maxamed Xuseen Alqaadi iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa lagu dhaawacay qarax miino.

Gaari ay la socdeen Mas’uulkaasi iyo Ilaaladiisa ayaa waxay saakayto qarax ku qabsaday, xilli ay ku sii jeedeen Xarunta Maamulka Degmadda Baardheere.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in G/xigeenka uu soo garaay dhaawac culus, lana dhigay Isbitaalka Guud ee Baardheere.

Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baardheere ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna baaritaano ka sameeyeen Xaafadaha ku hareeraysan halka uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay qaraxa miinadda ee lala beegsaday Mas’uulkaasi, mana kala cadda inuu qaraxu ahaa mid Gaariga lagu soo rakibay iyo inay ahayd miino dhulka lagu aaso.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor