(Guuxa Taagan): Mustaqbalka Puntland iyo Galmudug oo humaag la gelinayo

Mashaqo Siyaasadeed ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka dhex faruurmi karto Maamulayaasha Puntland iyo Galmudug, kadib, markii ay Madaxda Puntland guddoonsadeen inaysan aqoonsanin Maamulka Galmudug ee dhawaan dhidibada loo taagay.

Madaxda Maamulka Puntland ayaa u muuqda kuwo ku dhaqmayo Siyaasad colaadin iyo mucaaradnimo ah, waxaana taasi laga dheehan karaa dabeecadaha adag  ee ay kaga soo hor jeedaan  Dowladda Federalka, Dowlad-gobaaleedyadda Somaliland. Khaatumo iyo haatan oo Galmudug ah.

Siyaasad-dhisayaasha ayaa la amakaagsan dabeecadda Madaxda Puntland oo iyagu u muuqda Maamul lagu habay Quursi iyo Mucaaradnimo, maadaama ay hiddo ka dhigtaan inay laalaan arrin kasta oo ay Maamulladda kale ku tallaabsadaan, isla markaana aysan wax jawaabo cad ka bixinin waxa ay ka didsan yihiin iyo  hadafka ay ka leeyihiin.

Madaxda Puntland haddii lagu tilmaamo dad isla qab-weyn uma muuqato in loo gefay, laakiinse marka la eego hab-dhaqankooda iyo dabeecadaha fal-celintooda waxaan daah saarnayn inay leeyihiin sifo aan ku habboonayn Siyaasi iyo Mas’uul loo doortay inuu caynkaasi ku maamulo Ummaddii dooratay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in uu jiro Hiddo-raac fac weyn oo Mas’uulkii wax diida uu ku helayo koox kale oo ku taageerta qaladkiisa, waayo xubnaha uu Mas’uulkaasi u taliyo haddii ay kula taliyaan inuu waantoobo qalad-siyaasadeedka uu ku jiro waxay rumeyan yihiin in laga eryi doono xilka uu hayo.

Waana arrintaasi sababaha uu Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas uusan uga gambanin xaalad kasta, iyo inuu door-bido inuu gaas ku ololiyo wanaag kasta oo ay Maamulladda kale ku tallaasadaan.

Madaxweyne Gaas waxa uu isku arkaa  Siyaasi siyaasad-arag ah iy  Saadaaliyaha Mustaqbalka, waayo qoddob kasta uu ka hadlo waxa uu u muuqdaa mid aan Waayaha haatan la saan-qaadi Karin.

Hibadda Fogaan-arag Siyaasadeedkana waa uu seegay, waayo kama fekerayo Oraahda iyo Falaolka uu ku dhawaaqo waxa ka dhalan kara Mustaqbalka.

Miisaal ahaan, diidmadiisa Maamulka Galmudug waxa uu saamayn ku yeelan karaa Beelaha wada yaalla ee dhalasho ahaan iyo deegaan ahaan aan kala fogeyn, waxaana uu u abuurayaa dacar shido keeni karta, mana kala cadda inay Himiladiisa dahsoon sidaasi tahay iyo inuu uga dan leeyahay Calawsanaan Siyaasadeed iyo in gorgorta lala galo.

Sifo kasta uu uga dan leeyahay waxay u muuqataa mid aysan ku jirin Danaha iyo Rabitaanka Bulshadda, mana aha in dadweynaha, loo qabanqaabiyo Dibadbaxyo aysan xog ka haynin oo lagu awr kacsanayo.

Si kastaba ha ahaate, Maamulka C/weli Gaas waxaa la gudboon in la  kala saaro Danaha  Siyaasadeed iyo Aayaha dadka ku wada nool Goballadda W/bari Somalia, isla markaana aanan humaag iyo cuqdad laga dhex abuurin Taageerayaasha Galmudug iyo Puntland.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor