Gudoonka Aqalka Sare Oo Go`aan Ka Soo Saaray Weerarkii Hoyga Cabdi ( Qaybdiid )

Kadib Kulan ay maanta ka yeesheen Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya weerarkii dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen guriga Sanator Cabdi Xasan Cawaale ( Qaybdiid ) ayay qaraar kaga soo saareen weerarkaasi.

Qaraarka uu soo saaray guddoonka aqalka sare ayaa lagu amray in maxkamad la soo taago ciidankii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday guriga Sanator Qaybdiid.

Waxaa sidoo kale qaraarka looga dalbaday hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya in aan laga harin ciddii arintan ku lugta lahayd maadaamada sida guddonku sheegay weerarku uu ku dhacay si baal-marsan dastuurka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media