Gudoomiyihii Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo xilka laga qaaday iyo mid kale oo la doortay

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Caawa kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan kuwa Hir-Shabeelle kuwaas oo sheegay in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa ah kuwo taagersan Cosoble,waxa ayna sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Sheekh Cusmaan Bare Maxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Cod ayay Xildhibaanadu u qaadeen xilka qaadista Gudoomiyaha,kulanka ayaana waxaa Goobjoog ka ahaa 54 mudane,waxaa ogolaatay xilka qaadista 52 xildhibaan 1 wuu diiday midna wuu ka aamusay.

Sidoo kale waxay guda galeen doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka,waxayna u doorteen gudoomiye Axmed Cabdi Cali halka ku xigeenka Koowaad iyo labaad ay u doorteen Cabdiraxmaan Cabdi iyo Maxamed Cabdullaahi.

Sikastaba Magaalada Jowhar ayaa waxaa Caawa ku wada hoyana laba Gudoomiye Baarlamaan iyo afar ku xigeeno iyo Cosoble oo shalay xilka qaadis lagu sameeyay

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media