Gudoomiye Thaabit oo baaq deg deg ah u diray Shacabka Muqdisho

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed oo tagey halka uu ka dhacay qaraxii xoogaana ee maanta gilgilay Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa wixii dhacay ku tilmaamay musiibo, isagoo dalbaday in si deg deg ah loo soo gaaro dadka ay waxyeelada gaartay.

“Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Waa masiibo waxa dhacay maanta, waxaan ugu baaqayaa umadda soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan gurmadka deg degga. Hadda ayaan ka imid goobta qaraxa ka dhacay, waxaana aad loogu baahanyahay gurmad deg deg ah kuwa aan geynay kuma filna. Fadlan ka qaybqaata gurmadka, qofwalba waajib baa saaran ee aan wadajir uga qayb qaadano.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Intii dhimatay Alle u naxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshaan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla wixii itaal iyo agab aan heynayna waan isugu keenay.”

“Waxaan codsaneynaa Hay’addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro.”

“Waxaa ka dhacay masiibo, dad ayaa ku jira dhismaha hoostiis, fadlan qofkasta ha na soo gaaro.”

Weerarka ismiidaaminta ee galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 25 qof, halka 70 kalena ay ku dhaawacantay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media