Gudoomiye Jawaari,oo u dhoofay dalka Koonfur Afrika

Maxamed sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho.

Wafdiga ayaa ku sii jeeda dalka Koonfur Afrika,iyaga oo dalkaasi uga qeyb galaya Shirka Baarlamaanada Qaarada Afrika oo k dhacaya dalkaas.

Xarunta Baarlamaanada Afrika ayaa wxa ay ku taalaa dalkaasi koonfur Afrika,waxaana gudoomiye Jawaari la filayaa in Khudbad Dheer oo uu uag hadlayo dhinacyo badan uu halkaasi ka jeediyo.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa,qodobo ay ka mid yihiin siyaasabaha la iskugu soo dhweyn karo Dhalinyarada Qaarada Afrika,iyo sidii Shaqa Abuur loogu sameyn lahaa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inta uusan ka dhoofin Muqdisho,waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya uu shirkan Muhim u yahay.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media