Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ku wajahan Garoowe

Wafdigaan oo hugaaminaayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha Soo socda gaaraan Magaalada Garooowe ee Caaasimada Maaamulka Puntland ahna Xaruunta Gobolka Nugaal Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaaya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Puntland ayna kala hadlaan arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Waxaana Magaalada Garoowe ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Ma,suuliyiinta ka socota Dowladda Fderaalka Soomaaliya ee maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Xaruunta Puntland waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaaladaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media