Gudoomiyaha Mandheera oo Ku Taliyay In Isbadel Lagu Sameeyo Saraakiisha Ammaanka

Gudoomiyaha degmada mandheera ee waqooyi-bari dalka Kenya Cali Ibraahim Roba, ayaa ku taliyay in la bedelo madaxda ciidamada Boliiska dalkaasi, si loogu guuleysto weerarada Al Shabab ay ka geystaan Kenya.

Hadalkaan kasoo baxay gudoomiyaha ayaa imaanaya, xili maalmo yar ka hor uu ka badbaaday fal isku day dil ahaa.

Ali Roba, ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Booliska aysan heli karin xog kasta oo ku aadan weeraradda kusoo wajahan, taaso bedelkeedana ay ubaahan yihiin in wada shaqeyn ay ka helaan dadka deegaanka.

Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ayaa warinaya in madaxda Boliiska Kenya ay adkeynayaan ammaanka shacabka dalkaasi.

Afartii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa degmada Mandheera lagu dilay dad lagu qiyaasay 100 ruux, oo iskugu jiray ciidamo, iyo dad kaloo rayid ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor