Dhageyso:Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday Hooyo Sedex Caruur ah ku dhashay Xero kutaalo Degmada Kaxda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa galinkii dambe ee khamiistii waxa uu Cisbitaalka Al-biri oo ku yaala Degmada Kaxda ku booqday Mako Xuseen Mukhtaar oo labo ciso ka hor Sedex caruur ah ku dhashay Xero ku taala Degmadaasi,oo ay kujiraan qoysaska kasoo baracakay Deeganada ay abaartu saameesay ee Gobolada Baay,Bakool iyo Sh/hoose.

Labo kamid ah caruurtaasi markii ay dhashay waa ay ka saqiireyn waxaana hadda Mako Xuseen Mukhtaar  iyo mid kamid ah sedexdii caruur ay dhashay lagu baxnaaninayaa Cisbitaalka Al-biri.

Gudoomiye Jimcaale ayaa sido kale waxa uu kormeeray xerayaha ay kujiraan qoysaska mudooyinkii dambe soo gaarayay Degmadaasi, kuwaa oo kasoo cararay abaarta daran ee saameesay noloshada dadka iyo duunyada.

Halkan ka dhageyso Gudoomiyaha Kaxda iyo Afhayeenka Gobolka Banaadir:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media