Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Masar

Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh cusmaan jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo barqadii manta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser, iyadodo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaaahir kusoo dhoweeyeen masuiliyiin dalka Maser iyo sidoo kale madaxda safaaradda Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa madaxda soo dhoweysay ka mid ah ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Barlamaanka Maser iyo sidoo kale kuxigeenka safaaaradda Soomaaliya ee Dalka Maser Ilyaas Sheekh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu kulamo kala la qaadan doonnaaa masu’uuliyiinta dalkanmasar gaar ahaan madaxda barlamaanka ee wadankan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkan Masar ayaa mudada uu joogo waxa uu madaxda dalkaas kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Masar gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeyneed ee labada Barlamaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media