Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta tagay Baydhabo

Wafdi balaaran oo uu hogaaminyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan oo ay kamid ahaayen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horu dhac u ah madaxda madasha wada tashiga qaran oo la filayo iney dhawaan gaaran magaalada Baydhabo.

Maalinta Isniinta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka madasha wada tashiga sida wararka qaar ay sheegayan.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in si aad ah loo adkeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor