Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la kulmaya Madaxda Dowladda

Shalay gelinkii dambe waxaa magaalada muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle kadib markii sida la sheegay ay u yeertay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in Cusmaan Barre Maxamed gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalka,iyaga oo kala hadli doona dejinta xiisada ka jirta Hir-Shabeelle taas oo gaartay in xilka la iska qaado.

Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Cusmaan Barre Maxamed uu wadatashi shalay la yeeshay Xildhibaanada iyo Wasiirada Hir-Shabeelle ay isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay u gudbiyaan in ay ku raacdo xilka qaadistii Cosoble hadii kale ay doorasho Madaxweyne geli doonaan.

Waxaa laga dhursugayaa Go’aamadii ka soo baxa kulanka maanta dhexmari doona gudoomiyaha Baarlaamaanka Hir-Shabeelle iyo Madaxda dowladda.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media