Gudoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.

Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dardar galinta hawlaha dastuurka, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii uu kaga bixi ku meel gaarka.

Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, wuxuuna sheegay in uu aad ula dhacay qaabka shaqada Dastuurka ay u socoto, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media