Gudiga Qaran ee doorashooyinka oo la kulmay Dhalinyarada & Haweenka Garoowe

Kullamadan oo ahaa kuwo qaatay waqtiyo kala duwan iyadoona kan koowaad ay la qaateen Guddiga doorashooyinku ururada dhallinyarada Puntland kuwaasi oo tallooyin iyo su’aalaba waydiiyay Guddiga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya oo muhiimad gaar ah siinayay figradaah gaarka ah ee Dhallinyarada ee ku aadan hanaanka Doorasho ee dalka lagu wado inay ka qabsoonto.

Sayid Cali Sheikh Maxamuud Guddoomiye ku xigeenak Guddiga Doorashootyinka Soomaaliya ayaa sheeagay in wada tashiyadaani looga gol leeyahay sidii loogu Go’aan qadan laaha habka ay noqonaysa doorashada soo socota taasina laga heli karo ra’yiga Bulshada soomaaliyeed.

Haweenka oo door muhiim ah oo mmuuqda ku leh Bulshada dhexdeeda ayaa qayb ka ahaa wadatashiyada guddigu kula samaynaayaan bulshada rayidka ah Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland ayna goob jog ka ahaayeen haweenka siyaasiyiinta ahi.

Gudigan ayaa wadatashiyo Noocan oo kale ah Horay uga soo sameeyay 24 Dagmo oo ka tirsan dalka iyagoona tagi doono dagmooyinka Qardho,Boosaaso iyo Gaalkacyo oo gaba gaba u noqonaysa safarkooda Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media