Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo fasaxay Miisaaniyada Ciidamada

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in la fasaxay miisaaniyada Ciidanka inta ay socoto dooda Miisaaniyada ee Bilaha July iyo Ogoosto.

Mahad Cabdala Cawad Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Caawa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Go’aankaan uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya taasna looga gol leeyahay in aysan joogsan Xaquuqda Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale faray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe in ay qaataan Go’aanka Guddiga si xaquuqdoodq ay u siiyaan Ciidamada maadaama aysan sugi karin inta ay socoto dooda miisaaniyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media