Guddoomiyihii Ururka ugu weyn Ardayda Muslimiinta Britain (FOSIS) oo geriyooday

Allaha u naxartiistee Bashiir Osman oo ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Ardayda Mujtamacyadda Islaamka ee  wax ka dhigta Jaamacadaha iyo Kulliyadaha  ku yaalla dalka Britain (FOSIS) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo dhawaan ka dhacay dalka Switzerland.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddiga Fulinta ee Ururka FOSIS ayey ku shaaciyeen inuu Bashiir Osman oo 25 jir ah uu bishan July 4-tii ku geeriyooday shil gaaari, kadib, markii uu ku haftay goob biyo-galeen oo uu gaarigiisa ku dhacay.

Kooxaha gurmadka ayaa la sheegay inay maydka marxuumka ka heleen 10-daqiiqo kadib halka uu gaariga kula dhacay.

Guddomiyihii hore ee Ururka Ardaysa FOSIS, Omar Ali waxa uu Marxuumka ku tilmaamay nin ma-daale ah, oo Hawsha qabta isagoo faraxsan oo dhoola-caddaynayo.

Waxa kaloo uu sheegay inuu Marxuumku ahaa nin ay jecel yihiin dhallinta iyo dadka da’da ee ku wada nool Britain iyo Ireland.

Xiriirka Ardayda Mujtamacyadda Islaamka ee  wax ka dhigta Jaamacadaha iyo Kulliyadaha  ku yaalla dalka Britain (FOSIS) ayaa waxaa la asaasay sannadkii 1963-kii, waxaana ku mideysan in ka badan 115,000 oo ardayda Muslimiinta ee wax ka barata dalka Britain.

©  Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor