Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka oo sheegay inuu aqbalay go’aankii Xilka looga qaaday.

Avvocate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay Shir Jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee magaalladda Muqdisho.

Avvocate Ilka-xanaf waxa uu faahfaahin ka bixiyey Halgankii Shaqo ee uu u soo qabtay Dadka iyo Dalka Somalia, isla markaana uu had iyo jeer u taagnaa Midnimadda Dalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Xilal badan u soo qabtay Qaranka, isla markaana uu Ra’isul-wasaare-ku-xigeen iyo Xildhibaan Barlamaan soo noqday, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu haatan yahay qof Waayeel oo doonaya inuu ka nasto Hawsha Dowladda.

“Waan ka fariisanayaa Hawsha Dowladda, balse, waxaan indhaha ku hanayaa Hawsha Qaranka ee aan Juhdiga badan ku soo bixiyey, mana iga baxayso Waddaniyadda ilaa aan ka geeriyoodo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka, Avvocate Ilka-xanaf oo muddo 60 sanno ku soo jiray Hawlaha Dowladda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu si kal-sami leh xilka ugu wareejin doono Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo uu bishan 4-dii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u  magacaabay Xilkaasi.

madaxweynaha iyo Ilka xanafTallaabadda uu Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka ku oggolaaday Xil-ka-qaadistiisa ayaa timid, kadib, markii uu Kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen arrintaasi, kuna gaareen Go’aano aan si rasmi ah loo shaacinin.

Shirka Jaraa’id oo uu Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Dalka xalay ku qabtay Villa Somalia, waxaa goobjoog ka ahaa Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo Madax kale oo ka tirsan Labada Gole ee Qaranka.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor