Guddoomiyihii Maxkamadda Degmadda Dharkenley oo lagu dilay Yaaqshiid.

pistol 11Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in Marxuumka lagu dilay xilli uu sii galayey gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Xannaanadda Xoolaha ee Degmadda Yaaqshiid.

Marxuumka ayaa la sheegay markii la tooganayey isagoo ka soo laabtay Masjidka oo uu ku soo tukaday Salaaddii Cisaha.

Dableyda ayaa la sheegay inay si xun u dhaawaceen Marxuumka, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawacaasi, xilli loo sii waday Isbitaalka Madiina.

Ma cadda sababaha loo dilay Marxuumkaasi oo sidoo kale ka mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamadda Gobalka Banaadir.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor