Guddoomiyihii Maxkamada Sare oo kasoo horjeestay xilka qaadistii lagu sameeyey

Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka ee shalay madaxweynaha Soomaaliya uu xilka qaadista ku sameeyey ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistaas.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay Idaacadda Voa laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid aan sifo sharci ahoo marin,isla markaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka.

Waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay lamaha kale ee dowladda,isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maxkamada sare Shaqooyinkiisa Dastuuriga ahna uu wadanayo sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ogaanayaan in Shaqadii ay sideydii u sii socon doonto.

Sikastaba kasoo horjeesashada xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamada sare ayaa ah khilaaf cusub walow weli madaxtooyada Soomaaliya aysan ka hadlin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor