Guddoomiye Taabid: Mas’uul ka dhabeeyey inay Haweenka xubno ku yeeshaan Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho,  Dr. Taabit Cabdi Maxamed waxa uu maanta si hordhac ah uga dhabeeyey Ballnqaadkiisa ku aadanaa inay Haweenku ka mid noqn doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa Ballanqaadkaasi  ku dhawaaqay bishan April 15-dii, oo uu si rasmi ahaan xilka Maamulka Gobalka Banaadir uu ugala wareegay Guddoomiye hore, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaala “Madaale”.

Xafladaasi oo xilli habeen ah lagu qabtay Aqalka Gobalka Banaadir “Ex-Ufficio Governo”, waxa uu Guddoomiye Taabid carrabka ku dhuftay inay Maamulkiisa ka mid noqon doonaan Haween (tiro iyo tayo ahaan).

Hadalkiisa ayaa maanta rumoobay, kadib, markii uu 2 Gabdhood Xilal Sare uga magacaabay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye Taabid oo maanta magacaabay 5 xubnood oo isugu jiray G/Xigeeno iyo Xoghayaha Guud ee Gobalka, waxaa xusid mudan  inay markii ugu horreysay ka dhex muuqdaan 2 Haween oo Aqoonyahano ah, kuwaasi oo loo kala magacaabay:

  1. G/xigeenka 1-aad eeArrimaha Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxamed.
  2. Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar

Dad badan ayaa maanta garwaaqsaday  Shaqsiyadda dhabta ee Guddoomiye Taabid iyo inuu yahay Mas’uul Ballan-fuliye Waddani ah, kana dhabeeyey Ballanqaadiisii 1-aad ee ahaa inay Gaweenka xil muhiim ah ka qban doonan Maamulka cusub ee Gobalka Banaadir.

Inta aan ku hawlanaa Curinta Qoraalkan waxaan laba daraale  soo xusuustay inay naadir thay in Madaxdeenna fuliyaan Ballanqaadyadda Shaqo ee ay Fagaarayaasha ka sheegaan, haba ugu badnatee marka ay Murashixiin yihiin.

Waana run inaan Madaxdeenna badankooda looga baranin Fulinta Ballamadda Shaqo ee ay qaadaan, waxayna Ballanku u arkaan Xeellad Siyaasadeed iyo Beerlaxawsi lagu gaarayo Jaranjaradda Xilalka iyo Mansabka Dowladnimo.

Waxaana loo markhaati yahay Mas’uuliyiin badan oo ku fashilmay  Fulinta Ballanqaadyadyo ay sheegeen inay u qaban doonaan n Dadka iyo Dalka Hooyo, waana Godob aan garowshiyo lahayn hab-dhaqankaasi oo kale.

Sidoo kale, Tallaabadda Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho uu Xilalka Sare ugu magacaabay Haween Aqoonyahano ah, waxay muujinaysaa inuu yahay Mas’uul Khidbad dheer u leh dhinca Mamulka iyo Maaraynta Shaqada.

Haddii aynu yara jalleeco, Khibradda Shaqo ee Guddoomiye Taabid, ka hor inta aan bishan April 6-da loo magacaabin Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waxa uu ka hor hayey xilka Ku-xigeenka Safiirka Somalia u jooga Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu La-taliye Madax-bannaan oo Siyaasadeed (An independent Political Advisor)  ahaan kula soo shaqeeyey Hay’addo Dowladeed iyo kuwo aan Dowli ahayn (NGO) ka hawlgala Bariga Afrika.

Waa Khabiir aqoon u leh Siyaasadaha Gobalka (Regional Politics), Siyaasadda Guud (Public Policy), Xiriiradda Dibedda (Foreign Relations), Diplomaasiydda iyo Hoggaaminta (Diplomacy and Leadership).

Laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Muddadii uu Xilkaasi hayey waxaa aad loogu ammaanay sida Hawlkaarnimadda ee uu wax badan uga beddelay Nidaamka ee Villa Somalia iyo sida uu u kala agaasimi jirey Hawlaha culus ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Taabit Cabdi Maxamed waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ee dhinacyadda Barnaamijyadda iyo Hawlgalladda.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu haystaa Shahaadada Jamaacadeed ee Maamulka Ganacsiga ee Business Administration (BA), iyo Shahaadada Hoggaaminta iyo Maareynta ee MA in  Leadership and Mnagement (MA).

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Taabid waxaa la oran karaa Hoggaamiye ka dhabeeyey Ballanqaadkiisa ku aadanaa in Haweenka Xilal Sare ka qabtaan Maamulka Gobalka Banaadir.

Ilo ku dhow Xafiiskiisa ayaa sheegayo inuu Guddoomiye Taabid qorsheynayo inuu ugu yaraan hal ilaa labo haween ka mid noqopn doonaan  Isku-shaandheynta soo socota ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media