Guddoomiye Mursal oo mar kale shaaciyay in Barlamaanka Somalia uu sii shaqeynayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa uu kulankoodii caadiga ahaa uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale ku celiyay Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo, isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka u socda Xildhibaanada Golaha, isla markaana ay kasoo qeyb gleen in ka badan 140 Xildhibaan, kuwaasi oo goorsii horeysay lagu wargeliyay kulankaas.

Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay aan yeelan kulan, xili Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu sheegay in la dardar-gelinayo kulamada Golaha ay yeelanayaan.

Muddo xileedka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana horyaal Ajendayaal dhowr ah oo laga doonayo inay meel-mariyaan ah iyo Miisaaniyadda sannadka 2021-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media