Guddoomiyaha Xarunta CCA oo hambalyo ku aadan Munaasabadda 15-ka u diray Dhallinyarradda Soomaaliyeed+Sawirro

Iyadoo lagu guda-jiro Munaasabadda 15-ka May ayaa waxa uu Guddoomiyaha Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA, Md. Maxamed Ali Ibrahim “M.Cajiib” ugu hambalyeeyey Dhallinyarradda Soomaalida Munaasabadda Maalinta qiimaha leh ee 15-ka May.

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay Halgankii Ururkii Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee SYL ka soo qaateen Xorriyadda aynu maanta harsanayno, wuxuuna ugu baaqay Dhallinyarradda xilligan inay  mideeyaan cuddudooda, oo ay noqdaan Waddaniyiin isku duuban, kana shaqeeyan Dib-u-dhiska dalka iyo Adkeynta Nabadda.

Guddoomiye Maxamed Cajiib waxa kaloo uu kula dardaraamay Dhallinta inay ka fogaadaan Xag-jirnimadda iyo  in loo adeegsado dagaalladda lagu dhibaataynayo Ummadda Soomaaliyeed.

Xarunta CCA iyo Ururka Dhallinyaradda SYAO waxay kaalin ballaaran ka qaateen Ixtifaallaadka Munaasabadaha 15-ka May loo sameeyey Toddobadii sanno ee ugu dambeysay.

Waxqabadka CCA iyo Ururka Dhallinyarradda SYAO ee lagu weynayo Munaasabaddaha 15-ka May waxaa ka mid ah:-

In ka badan 117 tartamo isboorti oo  lagu kala qabtay  Nairobi , Xerada Dadaab , Muqdisho, Beled-weyn, Baydhaba , Jowhar , Marka , Afgooye iyo Kismaayo.

  • Bandhigista Riwaayado dhalinta tuseysay wadaniyadda iyo Taageeridda dawladnimo.
  • Doodo ku saabsan sida dhalinyarada loogu abuuri karo Waddaniyad la mid ah tii Asaasayaashii Ururka Dhallinyarradda ee  SYL.
  • Soo nooleynti dhaqanka ku dhawaad 15 munaasabado dhaqan oo Nairobi iyo Muqdisho ka dhacay

Dhinaca kale, Ixtifaalaad lagu weynaynayo Sannadguuraddii 72-aad ee Aasaaskii Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu kala qabtay guud ahaan Goballadda dalka Somalia.

Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda iyo Ururradda Bulshadda ayaa ka qeyb galay Munaasabadaha lagu weynaynayo Munaasabadda 15-ka May.

Waxaa maalintaasi  lagu xusuustaa Asaaskii Ururka SYL oo ay ku midoobeen Dhallinyarro Waddaniyiin ah, kuwaasi oo si toos ah uga hortegay Gumeystayaashii haystay dalkeenna Somalia.

Asaasayaashii Ururka SYL ayaa waxay kala ahaayeen:-

  1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin.
  2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke,
  4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed
  5. Cismaan Geedi Raage
  6. Dheere Xaaji Dheere
  7. Daahir Xaaji Cusmaan.
  8. Cali Xasan Maslax.
  9. Maxamed Cali Nuur
  10. Maxamed Faarax Hilowle
  11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi}
  12. Huudoow Macalin Cabdulle
  13. Maxamed Cusmaan Baarbe

Hadafkii ugu ballaarnaa ee ay 13-ka Halgame u asaaseen Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ayaa ahaa sidii loo mideyn lahaa maskaxda iyo cududa da’ yarta iyo in la isku barbaariyo Waddaniyadda iyo Gobanimo-doonka.

Dhaqan CCA (25) Dhaqan CCA (26) Dhaqan CCA (28) Dhaqan CCA (30) Dood by CCA (2) IMG_2A8320-16FD09-AD29AA-9642B5-5ACF0F-A66389 IMG_6C06F6-8D6A9B-D8A981-D33C8B-B77673-68685A IMG_0966 IMG_1130 IMG_1443 IMG_1595 IMG_1649 IMG_1846 (1) IMG_1846 IMG_1942ED-50C3F0-D71F86-D0DDC6-BC235E-DBF07C IMG_2157 IMG_2922 IMG_3247-600x399 IMG_3702 IMG_4482 IMG_4788 IMG_A7F4E2-AB4269-127BC1-96629D-5C07E9-2084C5

1 Bood C.casiis by CCA (6) cannon 60 d (4) cannon 60 d (22) Dhaqan CCA (17) Dood by CCA (2) DSC_0325 DSC_0386 DSC_0487 Grabbed Frame 28 IMG_2A8320-16FD09-AD29AA-9642B5-5ACF0F-A66389 IMG_6C06F6-8D6A9B-D8A981-D33C8B-B77673-68685A IMG_0966 IMG_1130 IMG_1942ED-50C3F0-D71F86-D0DDC6-BC235E-DBF07C IMG_1846 IMG_1649 IMG_1595 IMG_1443 IMG_2157 IMG_2763-600x399 IMG_2922 IMG_3247-600x399 IMG_3702 IMG_758151-FA3BC8-5395A9-962D38-643040-E3CF1F IMG_8223 IMG_5136 IMG_4788 IMG_4482 IMG_A7F4E2-AB4269-127BC1-96629D-5C07E9-2084C5 Nairobi_Munasabada_1_Luuliyo_2011_8-600x399 Nusoj, Simha & CCA  (4) SYAO_odayaasha_Hawiye_Nairobi_4-600x399 Volly Pall by SYAO (16)