GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA RACFAANKA DALKA OO SI RASMI AH U HAWL BILAABAY

Muqdisho – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Dalka Soomaaliya Mudane Dr. Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa si rasmi u bilaabay hawsha Maxkamadda, kaddib markii uu xilkaasi si rasmi ah ugala wareegay Guddoomiyihii Hore Dr. Xasan Maxamed Cali Wariiri.
Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim oo dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilkaasi u magacaabay ayaa la filayaa in uu wax badan ka bedelo habka adeegga Garsoorka, gaar ahaanna Maxkamadda Racfaankan oo ka mid aheyd meelihii ay dadka Soomaaliyeed si weyn u dhaliili jireen ka hor inta aan la magacaabin Dr. Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
Xafladda Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ayaa waxaa ay u dhacday si jawi wanaagsan ah, iyadoo labadii dhinac ee xilka la kala wareegay midba midka kale ku bogaadiyey doorkiisa dhanka garsoorka, iyadoo Saalax Sheekh Ibraahim loo rajeeyey in uu Ilaah la garab kago xilka weyn ee loo igmaday.
Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim oo haatan ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Muranadda dhulalka iyo guryaha ee Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa uu hore uga soo shaqeeyey Garsoorka Dalka gaar ahaanna Maxkamadda Racfaanka.
Sidoo kale Saalax Sheekh Ibraahim waxaa uu ka soo shaqeeyay Warbaahinta Caanka ah ee Aljazeera, isaga oo ka soo noqday hawl wadeen ka tirsan xafiiska Aljazeera ee Muqdisho iyo kii Nairobi, wuxuuna sidoo kale muddo lataliyaha sharciga u ahaa Wasaaradda Cadaaladda dalka Soomaaliya.
Guddoomiye Saalax Sheekh Ibraahim waa aqoon yahan ku taqasusay garsoorka, wuxuna shahaadada Bachelor of Law, ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee dalka Suudan, isaga oo sidoo kalena Shahaadada Master of Law ka sameeyey isla Jaamacaddaasi International University of Africa ee Suudan.
Ku shaqeynta Garsoorka ka soke waa Cilmi Baare wax badan ka soo shaqeeyey Barnaamijyo ka kala geddisan.

sal Salah salah1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor