Guddoomiyaha Mandera: “Kiiska ay Milliteriga ku dileen dadka Rayidka, waa mid u baahan baaritaan”.

Guddoomiyaha Mandera, Ali Roba ayaa ka hadlay dadka rayidka ahaa ee ay Ciiddanka Kenya ku dileen Mandera, wuxuuna sheegay inay dadkaasi ahaayeen dad rayid ah.

Isagoo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Daily Nation waxa uu tilmaamay inaysan haba yaraatee jirin caddaymo muujinya inuu gaarigu qarax saarnaa.

“Milliteriga waxay sheegeen inuu qarax saarnaa gaariga, laakiin dadweynuhu wey beeniyeen arrintaas. Waan tegay goobta, iyadoo marka dusha la eego gaariga kuma jiraan wax qaraxyo ah. Kiiska waxa uu u baahan yahay in la baaro” ayuu yiri Ali Roba.

Dhinaca kale, Milliteriga dalka Kenya waxay horey u sheegeen inaysan iyagu tooganin labada qof ee barqanimaddii maanta lagu dhex dilay Mandera.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Ciiddanka toogashadaasi geysteen 11:00 barqanimo ee maanta, iyagoo dilay labo qof oo gaari saarnaa, isla markaana dhaawacay 3 kale oo iyagu jidka marayey.

Taliyaha Mandera, Fredrick Shisia ayaa isagu sheegay inay Ciiddanka toogteen rayidkaasi, kadib, markii uu Dareewalku ka dhega adeegay amar lagu siiyey inuu joojiyo gaariga.

“Waxaa Ciiddanka loo soo sheegay inuu gaarigu qarax saaran yahay, waan baari doonaa halka ay ku sii jeedeen” ayuu yiri Fredrick Shisia.

Askariga toogashada geystay ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey inuu qarax saaran yahay gaariga ay dadka rayidka wateen oo noociisu ahaa Toyota Probox, taasina ay keentay inuu toogto dadkii saarnaa gaariga, kadib, markii ay diideen inay joojiyaan gaarigooda.

Fredrick Shisia waxa uu intaasi ku daray inay nasiib darro tahay in la dhaawaco saddexda qof ee jidka marayey.

Dhinaca kale, Dibadbaxyo ayaa waxay weli ka socdaan Mandera oo looga soo horjeedo dilka labada qof ee rayidkaah, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin dad caan ka ah Mandera.

©Radio Dalsan